Talaado, February 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in sababta Ciidamada loo geliyay Suuqa Bakaaraha ay tahay in la dhaco hantida taala Suuqaas, isagoo caddeeyay in ay arrintaas si weyn uga digayaan.
Xaad waxaa uu sheegay in Suuqa Bakaaraha uu yahay Meel Hubka iyo Ciidmada ka caagan, isla markaana ah Halbowlaha ay ku tiirsan tahay Nolosha Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay cambaareynayaan Ciidamada soo galay
"Ciidamada soo galay Suuqa Bakaaraha waa Itoobiyaan iyo kuwo laga keenay W/Bari, waxayna isu baheysteen in ay dhacaan hantida Shacabka Soomaaliyeed"ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku sii daray in muddo dheer laga shaqeynayay sidii ay Ciidamadaas u geli lahaayeen Suuqa Bakaaraha.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in horay loo barakiciyay dad gaaraya 2 Milyan oo ruux, haatanna sida uu u yiri la doonayo in la daba dhigo inta hartay, isla markaana ay dadka oo dhan noqdaan kuwo Qaxooti ah.
Maxamed Xasan Xaad ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee ku sugan Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan la doonayo in gudaha loo soo geliyo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna arrintaas ka bixiyay digniin ahayd in aan Ciidamada la soo gelin Suuqa, isagoo sheegay in haddii ay gudaha u soo galaan aaney wax macaash ah ka heli doonin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia