Sabti, February 16, 2008(HOL): Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxay ka codsadeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in uu soo farageliyo, isla markaana uu wax ka qabto dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in ay u gudbinayaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay codsi ku saabsan in uu soo farageliyo arrinta Suuqa Bakaaraha oo sii cakirmeysa.
“Sida lala socdo muddo bilooyin ah wax ganacsi ah oo la tilmaami karo kama jiro Suuqa Bakaaraha, taasna waxaa ugu wacan iyadoo ay Waddooyinka Suuqa laga soo galo ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyadoo kadibna ay dhacdo in ay iska hor-yimaadaan kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda halkaas.
Baaqan Codsiga ah ee uu jeedinayo Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo todobaad ka badan aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay timid kadib markii ay halkaas dhowr jeer ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag, kuwaasi oo xalay oo ugu dambeysay ay dagaalameen Kooxo ka soo horjeeda.
Ciidamada Dowladda ee jooga labadaas Isgoys ayaa waxay rasaas ku furaan Labadaas Waddo oo ay ku yaaliin goobo Ganacsi oo aad u badan, waxaana la arkayaa Dad Goobo ganacsi ku leh gudaha Suuqa oo orod ku goynaya Waddooyinka Koowaad iyo Labaad, si aysan ugu dhicin rasaas ay Ciidamada Waddooyinkaas soo raacsiiyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo uu guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) uu codsi u diro Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda, wuxuuna dhawaan codsi u diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo uu isna ka codsaday in uu arrinta Suuqa Bakaaraha soo farageliyo, si ay Dadka Shacabka ah ugu ganacsadaan si nabadgelyo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia