Gaadiid Dagaal oo ay Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ka qabsadeen Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Isniin, February 18, 2008(HOL): Xooggag la sheegay in ay ka soo horjeedaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka tirsan yihiin Maxkamadihii Islaamka ayaa waxay qabsadeen labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) ayaa xaqiijiyay in labo gaari oo maamulka u taalay Deegaanka Raage Ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo raggii saarnaa ay isku kaxeysteen Xoogag hubeysan oo uu sheegay in ay dhawaanahan ku sugnaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Labo Gaari oo Tikniko ah iyo Ciidamo saarnaa oo ku sugnaa Deegaanka Raage Ceelle ayay qabsadeen kooxo hubeysan oo dhawaanahan ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka, waxaana naloo sheegay in ay la aadeen dhinaca Deegaanka Ceel Baraf ee isla Gobolka Shabeelaha Dhexe”ayuu yiri Xuseen Dheere oo sheegay in aaney Kooxahaas uga hari doonin Gaadiidka ay ka qaateen.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Dheere waxaa uu beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in Guddoomiye ku xigeenka ay is-khilaafeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidaas darteedna uu xiriir ula sameystay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda, wuxuuna sheegay in uu warkaas been yahay, isla markaana uu isagu weli ka tirsan yahay Dowladda Federaalka oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacawday, inkastoo uu qiray in uu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka.

Xuseen Dheere waxaa uu sheegay in uu haatan magaalada Muqdisho ku sugan yahay, isla markaana uu ka war dhowrayo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka yeesho khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Dhexe, “Habeen Saq dhexe ayaan ka war helay iyadoo ay rasaas igu wadaan maleeshiyooyinka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka, taasina ma garan ujeedada laga lahaa, kadibna waan isaga soo tegay Gobolka oo hadda Muqdisho ayaan joogaa”ayuuna yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia