Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in aaney Dowladda Federaalka ka talin Gobolka Shabeelaha Hoose

Isniin, February 18, 2008(HOL):  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in aysan Dowladda Federaalka ka talin Gobolka ay ka soo jeedaan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Gobolka uu yahay mid aysan awood ku lahayn dowladda Federaalka, isla markaana ay ka taliyaan sida ay hadalka u dhigeen dad xoog ku heysta, iyagoo weliba intaas ku sii daray in meelo ka mid ah Gobolka uu ka babanayo Calan Madow oo aan ahayn Calanka Soomaaliya.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Maxamed oo u hadlay Xildhibaanadaas shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in ay dhawaan Gobolka booqdeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyadoo sida uu hadalka u yiri ay Gobolka heystaan Dad aan u dhalan Gobolka, isla markaana ka soo horjeeda Dowladda.

Xildhibaanka oo  sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay in muddo ah ka hadlayeen dhibaatooyin lagu hayo dadka gobolka, hayeeshee aaney jirin ilaa iyo haatan tallaabo ay Dowladda Federaalka ka qaaday, isagoo xusay in Gobolka loo dhisay maamul aan awood u lahayn inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ay qabaan dadka Gobolka u dhashay.

Haddaba iyadoo ay Xildhibaannadan sidaas leeyihiin ayaa hadana Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka taliya maamul ku magacaaban Digreeto Madaxweyne, kaasi oo uu Guddoomiye ka yahay Dr. C/qaadir Maxamed Nuur oo qudhiisa Gobolka Shabeelaha Hoose ka soo jeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia