
Axad, February 17, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde oo shalay Waxgarad Soomaaliyeed kula hadlayay Hotelka Panari ee magaalada Nairobi ayaa wuxuu mar kale ku celiyay qorshaha ay Xukuumaddiisa dooneyso in ay wax uga qabato mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa ay muhiim u yihiin nabadeynta Soomaaliya iyo sidii xal waara loo gaari lahaa, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay Mucaaradka tabanayaan ay u kala jiraan labo arrimood oo kala ah in ay qaarkood Dowladda dhaliilsan yihiin, halka kuwo kalena ay dareemayaan in awood qeybsigii dalka aan lagu tixgelin.
Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay jirto baahi ku saabsan sidii nabadda iyo dib u heshiisiinta la isugu waafajin lahaa dadka qunyar-socodka ah iyo kuwa mayalka adag ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, meeshana looga saari lahaa is-mari-waaga jira, dabadeedna loo gaari lahaa xal waara oo loo helo mushkiladda 15-ka sano ka badan ka taagan Dalka Soomaaliya.
Mar uu ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd goorta ay Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo uga timid dhinaca Dadkii uu la hadlayay ee uu kula kulmay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in ay 24 saacadood ku qaadaneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka saaraan Soomaaliya hayeeshee loo baahan yahay in marka hore laga fiirsado sidii loo buuxin lahaa booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya.
“In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan dadkaasi heysan gargaarka ay u baahan yihiin marka laga reebo dadaallo ay waddo Dowladda Federaalka iyo Hay’ado Deeq bixiyayaal ah oo dadkaas raashin lagu gaarsiiyo, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka inay Dadkaas gargaar deg deg ah la soo gaaraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia