Axad, February 17, 2008(HOL): Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Shineemooyin ku yaala Deegaano ka tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Shineemo ku taala Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Howl-Wadaag ayaa waxaa weeraray kooxo qori gacmeedyo ku hubeysnaa, kuwaasi oo rasaas ku furay Shineemadaas, xili ay dadkii ku jiray daawanayeen Ciyaar Kubadda Cagta ah oo dhexmareysay Kooxaha Manchester United iyo Arsenal, waxaana rasaastii Shineemada lagu furay ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii daawanayay ciyaartaas.
Shineemo kale oo ku taala Degmada Shibis ayaa iyadana waxaa weerar kale ku qaaday Kooxo Bastoolado iyo Bambo Gacmeedyo ku hubeysan, waxayna Kooxahaas Rasaaseyn kadib Bambo Gacmeed ku tuureen Iridka hore ee Shineemada, iyadoo aan la sheegin cid wax ku noqotay Rasaasta iyo Qaraxa Bambaano ee Shineemada lagu weeraray.
Sidoo kalena, Shineemo iyadana ay isla Ciyaartan ka socotay oo ku taala Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weeraray Kooxo hubeysan, walow aaney jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkii Shineemadaas lagu qaaday. Deegaanka Lafoole ayaa ku sugan Dad badan oo ka qaxay Dhibaatooyinka Muqdisho, inkastoo ay jiraan Dad horay u deganaa.
Habeen hore ayay ahayd markii sidoo kale ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Shineemo ku taala Xaafadda Buulo Shiidlo ee Degmada Yaaqshiid, kuwaasi oo la sheegay inay kaliya rasaas ku fureen Qalabkii Shineemada lagu shidayay, kadibna ay iska tageen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka sii yaraanaya Shineemooyinka, waxayna taasi dhacday kadib markii Shineemooyin dhowr ah weerar lagu qaaday, halka kuwo kalena Milkilayaashooda loo geeyay Warqado Digniin ah oo loogu sheegayo inay Shineemooyinka xiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia