Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka digay in ay Ciidamada Dowladda gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha

Axad, February 17, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka digay in Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen war ku saabsan in ay Ciidamada Isgoysyadaas ku sugan ay doonayaan inay gudaha u  galaan Suuqa, wuxuuna sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay keeni doono cawaaqib xumo.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay hadda ka hor Suuqa galeen, isla markaana ay ka geysteen falal dhac ah, wuxuuna xusay in haatan la qorsheynayo arrintaas oo kale.

“Suuqa Bakaaraha waa Halbowlaha Nolosha Shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in uu noqdaa meel ka caagan Hubka iyo Ciidamada, haddii ay Ciidamada soo galaana waxaan sheegeynaa in aysan ka macaashi doonin oo ay dhibaato la kulmi doonaan”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu beeniyay war dhawaan ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amisom, kaasi oo ahaa in Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Dekedda Muqdisho laga soo tuuray Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in uu warkaas ula egyahay mid ujeeddo laga leeyahay oo la doonayo in dhibaato loo geysto Hantida dadka Soomaaliyeed ee taala Suuqa Bakaaraha.

“Ciidamada Amisom waxaan leenahay dhexdhexaad ka noqda arrimaha ka taagan Magaalada Muqdisho, haddii kale waxaa dhinaciina idinka soo gaari doona dhibaatada ay qabaan dhagar-qabayaasha xasuuqa iyo dhaca ku haya Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Xasan Xaad waxaa uu ka hadlay waxa uu ku jiro Xalka Suuqa Bakaaraha, wuxuuna xalkaas ku tilmaamay in aaney soo gelin cid kasta oo hub wadata, isla markaana dadka Shacabka ah loo madax banaaneeyo in ay si xor ah oo nabadgelyo ah ugu ganacsadaan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia