Ururka Hormarinta Haweenka iyo Caruurta Raxmo Oo Howl Nadaafadeed Ka Bilaabay Magaalada Godinlabe Iyo Deegaanno Hoostaga


Talaado, February 12, 2008(HOL): Howl nadaafadeed oo ay ka qeyb qaadanayaa dhamaan haweenka ku sugan deegaanada ay ka midka yihiin Godinlabe, Qaradhi, God-dhurwaa, Gaalyeel, Gidheys, Kayn, Bowda-dhogore, Dusmaale, Fadalaweyn iyo tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soconeysa tuulooyinkaas.
 
Howshan haweenka oo kaashanaya dhalinyarada deegaanadaas ayaa tuulo kasta oo ay joogaan ka qeyb qaadanaya waxayna haweenku samaysteen oo ku midaysan yihiin  urur wadani ah oo la yiraahdo RAHMO WOMEN AND CHILDREN DEVELOPMENT ORGANIZATION, ururka hormarinta hooyada iyo dhalaanka ee Raxmo.
 
Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo muujinaya qiimaha ay leedahay howshan iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka ayey ku dhajiyeen haweenku gidaarada meelaha ay howlaha ka hayaan waxaana ay meel isugu keenayaan qashinka kadibna isagoo tuurin ah ayey gaari iska roge ah ku qaadayaan si loogu gubo goobtaas.
 
Guddiga fulinta ee ururka Raxmo  ayaa ka warbixyey howshaan baahi wayn in loo qabo islamarkaasna sheegay  ay si tabarucaad iskaa wax u qabso ah ku wadaan   aysana jirin cid wax ku siisay balse ay doonayaan in ay kor u qaadaan bilicda deegaanada ay ku nool yihiin.
 
Waa markii ugu horaysay ee haweenka ku sugan deegaanadan ay yeeshaan hal urur oo mideeya afkaartooda isla markaasna ay soo bandhigaan fakarkooda iyo wax qabadkooda iyadoo si ficil ah u muuqda.

Ururka haweenka ee Raxmo ayaa hay’adaha samafalka iyo jaaliyadaha deegaankaan ka soo jeeda ugu baaqay in taageeraan arimaha hormarinta bulshada ee ay hada bilaabee, waxay si gaar ah uga codsadeen cid kasta oo wax ka qaban karta arimaha aas aasiga ah ee deegaanla waxayna sheegeen in ay ugu daran tahay xiligaan in lala hir galiyo MCH ama bar caafimaad oo waxun ka qabata dhibaatada caafimaad ee deegaankaas gaar ahaan Godinlabe oo dad badani daganyhiin aana lahayn raad caafimaad xitaa Umuliso iyo MCH midna.

Kala soo xiriir RAHMO WOMEN AND CHILDREN DEVELOPMENT ORGANIZATION,
Tel 25215887011/689444 Email
[email protected]

Cilmi Nuurre Wehliye
[email protected]
Cadaado, Somalia