UGAAS MAXAMED WELI: “Magaalada Kismaayo Duullaan kuma nihin ee Cadawga Dhulka heysta iyo Dadka raacsan ayaan duullaan ku nahay”

Talaado, February 12, 2008(HOL): Ugaas Maxamed Weli oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu beeniyay warar beryahan la is-dhexmarayay oo sheegayay in xoogag ka amar qaata Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay weerar ku soo yihiin Magaalada Kismaayo, iyadoo markii uu warkaas soo baxayna heegan la geliyay Ciidamada ka taliya Magaalada Kismaayo.

Ugaas Maxamed Weli oo markii uu wareysiga bixinayay ku sugnaa sida uu sheegay meel aan u dheereyn magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegay in uu magaaladaas si nabadgelyo ah ku tegayo isagoo aan wax ciidamo ah wadan oo gaarigiisa kaliya ku socda.

Ugaaska wuxuu beeniyay in hadda ka hor laga ceyriyay magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in uusan warkaasi waxba ka jirin, isla markaana uu magaaladaas u tegay in uu arimo ka dhameysto, markii uu muraadkiisii ka fushadayna uu si iskiis ah uga tegay.

“Kismaayo Duullaan kuma nihin ee Cadawga Dhulka heysta iyo Dadka raacsan ayaan duullaan ku nahay, waxaana walaalaheena ku sugan Magaalada Kismaayo aan ugu laab-qaboojineynaa in aysan jirin cid weerar ku soo ah”ayuu yiri Ugaas Maxamed Weli.

Ugaaska oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamadooda ay haatan ka taliyaan deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, “Xamar ayaan xukunnaa oo aan si muuqato uga talinaa, iskaba daa gobollada kale ee dalka”ayuuna yiri Ugaas Maxamed Weli.

Mar uu ka hadlayay cidda ay dagaalka ku qaadayaan haddii aysan weerar ku ahayn magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in ay diiradda u saaran tahay oo ay weerar ku yihiin Ciidamada Itoobiya, Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo uu sheegay in ay xoog ku heystaan Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa maalmahan laga soo sheegayay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ku sugnaashahooda deegaannadaasna ay si weyn u cabsi gelisay mas’uuliyiinta haatan ka talisa Magaalada Kismaayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia