Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo Xeebta Eyl ku rasaaseeyay Kooxo Burcad Badeed ah

Talaado, February 12, 2008(HOL): Markab dagaal oo ay saaran yihiin Ciidamo Ameerikaan ah oo ku sugan Xeebta Eyl ee gobolka Nugaal ayaa wuxuu rasaas ku furay kooxo burcad badeed ah oo doonayay in ay sahay u geeyaan koox kale oo burcad badeed ah oo markab ku heysta meel 40 km u jirta Degmadaas.
 
Guddoomiyaha Degmada Eyl C/llaahi Siciid Ow-Muuse ayaa wakaaladda Wararka AP u sheegay in Markabka Mareykanku leeyahay ee jooga Xeebta Eyl uu rasaas ku furay Doon yar oo ay wateen Kooxo Burcad Badeed ah oo doonayay in ay sahay u geeyaan Koox kale oo Markab ku heysta Xeebta Eyl.
 
Rasaasta uu furay Markabka dagaal ee uu Ameerikaanka leeyahay oo isugu jirtay mid yar yar iyo mid waa weyn ayaa laga dareemay Degmada Eyl oo inta badan dadkii deganaa ay ka carareen halkaas iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto rasaasta ay furayaan Ciidamada Badda Mareykanka.
 
Markabkan ay saaran yihiin Ciidamada Badda Mareykanka ayaa wuxuu ilaalo ka hayaan Markab laga leeyahay Dalka Ruushka oo  ay af-duub ku heystaan Kooxo Burcad Badeed ah, waxaana la arkayaa isagoo marba dhinac ugu socda Xeebta Eyl ee Gobolka Nugaal.
 
Guddoomiyaha Degmada Eyl C/llaahi Siciid OW-Muuse ayaa sheegay in markii ay si weyn u cabsadeen Dadka Degamadaas ku nool ay la xiriireen Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in ay iyana xiriir la sameeyeen madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse oo haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, si uu isna ula xiriiro mas’uuliyiinta Mareykanka.
 
Waa Markabkii labaad oo ay Kooxo Burcad Badeed ah qafaashaan, isla markaana uu hareereeyo Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay, dhawaan ayayna ahayd markii Markab laga lahaa Dalka Japan oo ay Kooxo Burcad Badeed ah heysteen uu soo dabagalay Markab ay Ciidamada Badda Mareykanka leeyihiin, aakhirkiina lagu guuleystay in Markabkii Af-duubnaa iyo shaqaalihii saarnaa la sii daayo iyagoo bed-qaba.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Deegaannada Puntland ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo Bad iyo Berri isugu jira, waxaa lagu qafaashay dad Ajnabi ah, waxaa lala tagaa Maraakiibta laga soo qabsado Xeebaha Soomaaliya, iyadoo falkii ugu dambeeyay oo nabadgelyo darro tilmaamayayna uu ahaa qaraxii ka dhacay agagaarka Dekedda Boosaaso, gaar ahaan meel ay ku sugnaayeen Dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaasi oo uu khasaare lixaad leh soo gaaray.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia