Dagaal dhex maray Ciidamada Ilaalada Badda Somaliland iyo Koox Budhcad-Badeed

Cabirka Farta

Axad, 07 December 2008 (HOL): Iska horimaad hubaysan ayaa dhexmaray ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo koox ka tirsan Budhcad-badeedda  ee Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha xeebaha Maamul-gobolleedka Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo Wargeyska Ogaal waraysi khaas ah la yeeshay, ayaa sheegay in dagaalkaas oo shalay ka dhacay degmada Maydh aanay wax khasaare ahi kala gaadhin labada dhinac.  Hase yeeshee, waxa uu sheegay in Doonyo ay Budhcadda ka yimi Xeebaha gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay wateen la sheegay in waxyeelo gaadhay. Isla markaana waxa uu tibaaxay in Doonyo kale oo Budhcad-badeedda  leedahay ay ku jiraan, kuna soo jeedaan biyaha Berbera. 

Waraysigaas oo uu arrintaa iyo dhinacyo kaleba si faahfaahsan uga hadlayaana, waxa uu u dhacay sidan;  


S/: Guddoomiye, waxa nagu maqaalo ah in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Doonyo Budhcad-badeeddu leedahay oo dhanka Xeebaha Puntland ka yimi uu iska horimaad ku dhexmaray Maydh. Markaa arrintaa maxaad kala socotaa?

J/:
 Arrintaasi way jirtaa. Markaa waxa ka hawlgalay ciidamada Badda ee Somaliland. Rasaas bay is waydaarsadeen, labada dhinacna wax dhimasho iyo dhaawac ah midna lama sheegin. Laakiin, habeenkii ayaa u soo galay oo waqtigii habeenka ayaa soo kala dhexgalay, waxayna u carartay (Doonta Budhcadu wadatay) xaga Barriga.

S/: Imisa Doonyood bay ahaayeen kuwaa xaga Puntland ka yimi?

J/:
 Waxa la ii sheegay inay hal Dooni ahayd. Laakiin, waa la sheegayaa kuwo kale oo Badda ku jira.

S/: Doonyaha ay ciidanka Somaliland wateena ma mid uun bay ahayd?

J/:
 Haa. Markaa gabalkaa ka dhacay oo xaga barriga (Doonta Budhcadu) ayay u carartay, waxaana la filayaa inay dhaawac ahayd oo iyada wax gaadheen.

S/: Ujeedada ay Budhcaddu xaga Somaliland ugu soo xad-gudubtay maxaad la idiinku sheegay hadaad wax war ah ka hesheen?

J/: 
Waxa la sheegay inay sabab u tahay, meelihii ay ka ugaadhsan jireen aad loogu ogaaday oo laga yaabo inay Maraakiibta adduunkuna ay joogto. Markaa waxay bideen (Badda Somaliland) baan u malaynayaa inay meel qoor (banaan) ah tahay oo ay xaga Gacankan Yemen iyo dhinaceenan ay doonayaan inay u soo wareejiyaan hawlgalkooda.

S/: Markaa Guddoomiye, goormuu bilowday dagaalkan labada dhinac dhexmaray?

J/: 
Wuxuu bilawday ilaa abaaro 3:30 galabnimo.

S/: Laakiin, wararka na soo gaadhay waxay sheegayaan in dhinac Somaliland ay laba Doonyood ahaayeen oo mid ka mid ah dhaawac gaadhay, sow sidaa maaha?

J/:
 Adeer waxa weeye; Somaliland waxba ma gaadhine, iyaga (Budhcada) ayaa la sheegayaa in Laashkoodu ka dhaawacmay.

S/: Laashka ciidan baa saarnaa miyaa?

J/: 
Haa. Ciidan baa saarnaa.

S/: Markaa labada dhinac ciidamadooda wax khasaare ah oo kala gaadhay ma jiraan miyaa?

J/:
 Haa…Xageena wax dhimasho iyo dhaawac oo gaadhay ma jiraan. Laakiin, dhinacooda lagama warqabo.

S/: Guddoomiye, waxay wararku sheegayaan in Doonyo door ah oo nooca Kalluumaysiga ahi oo Carbeed joogaan Aagga Maydh, nimankaasina ay Dooni afduubeen. Markaa taasi ma jirtaa iyadu?

J/: 
Taasi maalin hore ayay ahayd oo Gacankaa Yementa ayay ka qabteen, inkastoo ay xagan u soo jeeday. Markaa Doonyihii Badda ku jiray imika dhammaan Maydh baa lagu soo xereeyay, iyada oo Nabadgelyo loo soo xereeyay. Ta labaadna, inay kuwaasi intay dhaceen inay wixii taakulayn ah iyo Shidaal ah ka qaataan. Markaa ciidamada Badda ee Somaliland Doonyihii Yemeneed oo dhan Marsada ayay ku soo xidheen.

S/: Doonyahan Yemeneed ee halkaa jooga, kana Kalluumaystaa ma qaar heshiisyo xukuumadda Somaliland kula jiraa?

J/:
 Kuwaasi waxa weeye sida kuwa ka Kalluumaysta dhinaca Seylac oo kale, Cashuur baana laga qaadaa.

S/: Guddoomiye, wararka qaarkood waxay sheegayaan in kooxaha Budhcad-badeeddu doonayaan inay u soo wareegaan dhinaca aaggagan oo ay Bad-jiif ka noqdaan. Markaa idinku taas ma dareensan tihiin?

J/:
 Iyaga waxa u daran uun meesha ay wax ka helayaan. Laakiin, maadaama meeshaasi (aagaga ay hadda Budhcadu hawlgalkooda ka fuliyaan) noqotay meel ay Maraakiibta dagaalku aad u marayso, ay xagan oo ay u arkeen inay firaaqo tahay inay kaga faa'iidaysan karaan.

S/: Qaar ka mid ah Budhcad-badeeda lafteeda ayaa la sheegayaa in Dooni ay saarnaayeen wax ku noqotay agagaarka Maydh, dabadeedna Markab uu halkaa ka qaaday oo uu dhinaca Yemen geeyay. Markaa taas maxaad ka ogtahay?

J/:
 Walaahi maya oo waxba kalama socono, warkaasna maanu maqal.

S/: Ciidanka Badda Somaliland ee jooga aagga Maydh awoodda ay leeyihiin intee bay le'egtahay, mase tahay mid wax ka caabiyi karta Budhcad-badeedda?

J/:
 Haddii ay Laashash dheereeya iyo qalab ay hesho, way kafaalo qaadan kari lahaayeen inay difaacaan Xeebaha. Laakiin, hadda kolay sidaas maaha ciidanka xaga Bariga soo jiraa (joogaa) oo awood caynkaas ah oo badan ma leh.

S/: Guddoomiye, mar kale aan ku waydiiyeen ujeedada Budhcadu Maydh u yimaadeen maxaad u malaynaysaa, ilayn haddii ay wax qafaalanayaan waxay joogi lahaayeen Biyaha Caalamiga ahe, mase jirtaa inay doonayeen inay u soo gudbaan dhanka Berbera?

J/:
 Waxa weeye; inay aagaas oo dhanba tagaan haddii ay u suurtowdo, dhinaca Berbera-na waa la sheegayaa inay Doonyo kalena ku jiraan oo Budhcad-badeed ahi. Laakiin, Badda ayaa kacsanayd oo shakar bay ka dhigeen oo waxay u soo leexdeen xaga Buuraleyda ah si ay gabood uga dhigtaan, inta ay ka go'ayso kacsanaanta Baddu.

S/: Laakiin, Budhcadu imika marka awoodooda dhaqaale loo eego Doonyo dheereeya iyo hub casri ah bay wataan?

J/:
 Haayoo, waa dhaqaalaha oo isgaadhsiin bay wataan, raashin iyo qoryo ayay wataan ay inta ay doonaan ku jiri karaan iyo xataa qoryo tiiro dhaadheer.

S/: Markaa wax magaalada Maydh gaadhay oo khasaare ahi ma jiraa?

J/:
 Maya. Ma jiraan wax burbur ahi.

S/: Ma jiraa wax xog ah oo hadda ka hor idinka soo gaadhay dhinaca Barriga, sababta oo ah dadka gobolkaa badhkii baa jooga meelaha wax lagu afduubo?

J/:
 Maya. Kolay waa la sheegaa. Laakiin, kuma badna cidse waa laga heli karaa, kolayna waa iska kooxo (Budhcadu) badan, oo cid kastaaba Laash uun bay meel ka doonanaysaa, qorigana waa la iska wada haystaa.

S/: Dadweynaha Ceerigaabo ama reer Sanaag ee aad Guddoomiyaha u tahay sidee bay u dareemeen waxaa dhacay?

J/:
 Aad iyo aad bay uga xumaadeen, dadkuna wuu ka soo horjeedaa, waana u diyaar inay difaacaan.

S/: Ugu dambayn, maadama arrintani dhacday maxaad ilaa hadda ka qabateen aagga Maydh iyo guud ahaanba?

J/:
 Ilaa hadda hawlgalku wuu socdaa, lagamana hadhi oo ciidanka Somaliland Badda ayay ku jiraan oo ay baadi-goobayaan, wixii ka soo kordhanaya uun baa la eegi doonaa.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.