Axad, December 07, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu maanta magaaladaas soo gaaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Ra’iisal Wasaaraha oo ay la socdeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo wuxuu kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), iyadoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Horay magaalada Baydhabo waxaa ugu sugnaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna markii uu Baydhabo soo gaaray kulamo la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa haatan ku wada sugan seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu u dhaxeeyo khilaaf cuuryaamiyay horay-u-socodkii Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in khilaafkooda uu ku soo beegmayo iyadoo awooddii Dowladda ay ku soo beegantay qeybo ka mid ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dib uga bilowday loolankii u dhaxeeyay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mar kasta oo ay is-qabtaan bilaaba kulamo ay ku kala jiid-jiidanayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia