In ka badan 2 Milyan oo Musliimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

Cabirka Farta

Axad, December 07, 2008(HOL): In ka badan 2 Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala socda daafaha Caalamka ayaa maanta waxay taagan yihiin Banka Carafa, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka.

Muslimiintaas waxaa ka mid ah dad badan oo Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka tegay, kuwaasi oo meel ku wada ku sugan, Isla markaana Allaah ka baryaya in uu dadkooda iyo dalkooda dhibaatada ka dul-qaado.

Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa, kana mid ah Dadka Soomaaliyeed ee sanadkan fursadda u helay in ay soogutaan waajibaadka Xajka ayaa wuxuu sheegay in Muslimiinta isugu timid gudashada Waajibaadka Xajka ay yihiin kuwo Malaayiin ah, wuxuuna caddeeyay in aaney ilaa iyo haatan dhicin wax dhibaato ah.

Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo meel gaar ah la dejiyay ay u soo duceynayaan Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyagoo uga baryaya in uu dhibaatada ka dul-qaado, sidaas darteedna wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan uu ugu baaqay in ay iyana ducadaas aamiinsadaan, ayna Allaah u towbad keenaan.

Ugu dambeyntiina haddii maanta la taagan yahay Banka Carafo waxaa shaki la’aan ah in ay maalinta berri ah tahay maalin Ciid ah oo ay Dadka Muslimiinta ah ee Dunida dacalladeeda ku dhaqan ay tukanayaan Salaadda Ciidul Adxa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia