![]() |
| Madaxweynihii is-casilay ee Soomaaliya-C/llaahi Yuusuf Axmed |
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay Baarlamaanka hortiisa, wuxuuna sheegay in muddo 4 sano ah oo uu Madaxweyne ka soo ahaa Soomaaliya uu wax badan soo qabtay.
Wuxuu sheegay in waxyaabaha uu qabtay ay ka mid ahaayeen in uu ku dadaalay sidii loo soo celin lahaa Qarannimadii iyo Midnimadii Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dib u heshiisiinta Jibouti ee ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ka horeysay mid uu isaga bilaabay oo Muqdisho ka dhacay dabayaaqadii sanadkii 2007, hayeeshee sida uu hadalka u dhigay laga af-duubay.
Waxaa uu sabab uga dhigay is-casilaaddiisa dhowr qodob oo kala ah In Axdiga u degsan Dowladda Federaalka la baal-maray, isla markaana la sameeyay waxyaabo aan sharci ahayn, in Dowladda Federaalka ay taageero ka weysay Beesha Caalamka, In Xoogagga ka soo horjeeda dowladda Federaalka ay inta badan dalka Soomaaliya soo qabsanayaan, iyadoo aaney jirin awood ay dowadda wax uga qaban karto iyo qodobo kale.
Wuxuu kaloo sheegay in sida Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu xilka madaxweynenimada sii heyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo uu ku wareegay warqaddii uu isku casilay, isagana uu haatan kadib ka qeybqaadan doono dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya.
Intaas kadib waxaa uu u sheegay Mudanayaasha Baarlamaanka in aanu hadal badan sii wadi karin, isla markaana ay diyaarad u taagan tahay garoonka Diyaaradaha Baydhabo, taasi oo aan la ogeyn halka ay u qaaday, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in uu u amba baxay dhinaca Deegaannada Puntland.
Is-casilaadda Madaxweyne Yuusuf ayaa la rumeysan yahay in ay salka ku heyso cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka, waxaana is-casilaaddiisa la hadal hayay muddo todobaad ka badan.
Ra'iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa horay isu casiay kadib markii uu cadaadis uga yimid dhinaca beesha caalamka, iyadoo xiligaasna uu khilaaf kala dhaxeeyay madaxweyne Yuusuf.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
