Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhaweeyay is-casilaadda Madaxweyne Yuusuf

Cabirka Farta

Isniin, December 29, 2008(HOL): Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo is-casilaadda uu sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Nuur Cadde waxaa uu sheegay in tallaabada uu qaatay madaxweynaha ay tahay mid muujineysa dowlad wanaagga iyo dimoqraadiyadda, wuxuuna caddeeyay in xilkaas uu sii heyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe.

“Waxaan rajeynayaan in Madaxweynaha uu noqon doono Oday Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya”ayuu yiri sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynihii is-casilay ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ugu dambeyntii waxaa uu keenay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu is-casilo kadib cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia