Dagaal mar kale maanta ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Cabirka Farta

Isniin, December 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu maanta degmadaas mar kale ka dhacay dagaal dhexmaray xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Dagaalka maanta ka dhacay Degmada Guriceel oo geystay dhimashada Dad ka badan 5 ruux ayaa wuxuu socday muddo 3 saacadood ka badan wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga Degmada Guriceel oo markii seddexaad uu maanta dagaal xooggan ka dhacay.

Dagaalkan wuxuu la xiriiray dagaallo horay uga dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka oo ay ka mid yihiin Dhuusa-mareeb, Guriceel iyo kuwo kale, iyadoo dagaalkanna uu u muuqdo mid salka ku haya gacan-ku-heynta Gobolka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Guriceel-na waxay sheegayaan in ay degmadaas soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhowr iyo toban gaari ku hubeysan, kuwaasi oo la soo sheegayo in ay haatan ku sugan yihiin dhinaca  halka loo yaqaano Shirkadaha ee Degmada Guriceel.

Waxgarad, Culumaa’udiin, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa tan iyo markii ay bilowdeen Dagaallada Guriceel waxay jeedinayeen baaqyo ay ku dalbanayaan in dagaalladaas la joojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia