Xildhibaan Gacmo-dheere oo iska casilay Xilkii Ra'iisal Wasaarenimo ee uu u magacaabay Madaxweyne Cllaahi Yuusuf

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayana in uu Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) uu iska casilay Xilkii Ra’iisal Wasaarenimo ee uu dhawaan u magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Is-casilaadda uu sameeyay Xildhibaan Gacmo-dheere ayaa la sheegay in ay salka ku heyso cadaadis dhinaca Beesha Caalamka uga yimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo qudhiisa ay Wakaalaha Wararka Caalamiga ah ay qorayaan in uu iscasilayo inta aysan dhamaanin bishan.

Xildhibaan Gacmo-dheere ayaa ku macneeyay sababta uu isaga casilay xilkii uu u magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu xaalad adag ku jiro dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu Baarlamaanka Soomaaliya ku kala qeybsamay magacaabiddiisa

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu kalsooni siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo sidoo kalena ay Xukuumaddaas kalsooni ka heshay Beesha Caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku jirtaa xaalad qalalaase siyaasadeed ah, taasi oo keentay in hoos-u-dhacdo kalsoonidii Beesha Caalamka ay u heysay, sidoo kalena ay xoogagga ka soo horjeeda kala wareegeen gacan-ku-heynta  inta badan deegaanno horay uga talin jirtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia