Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xukuumadda Federaalka Soomalaiya oo isku tuur-tuuraya wax ka qabashada Amniga Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan la doortay iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan kuwo isku tuur-tuuraya wax ka qabashada xaaladaha ammaan darro ee ka jira caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dhawaan u gudbiyay Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato amni darro ka jirta Magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu u gudbiyay cabashooyin laga soo cabtay qaar ka mid ah Ciidmada Dowladda oo dadka dhac iyo handadaad u geysta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iy Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dabcan sugidda ammaanka uu khuseeyo ayaa waxay iyadana maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqday in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir looga fadhiyo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta Gobolka, uuna furo waddooyin xiran oo Muqdisho ku yaala.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ammaankeedu wuxuu yahay mid aan hagaagsaneyn, waxaana ka dhaca dilal, dagaallo iyo falal kale oo amni darro ah, ilaa iyo haatanna ma muuqato cid wax ka qabaneysa falalkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia