Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Xoogagga Muqaawamada ugu baaqay in ay Ciidamada Itoobiya fursad u siiyaan in ay baxaan

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimda Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ah ee ka dagaallama Soomaaliya in ay fursad u siiyaan Ciidamada Itoobiya in ay ka baxaan Soomaaliya.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hakiyo dagaallada ka dhan ah Ciidamada Itoobiya, si ay uga baxaan Soomaaliya.

“Haddii ay beenowday in ay ka baxayaan Soomaaliya dagaallada haloo sii laba jibaaro ayaan leenahay balse hadda oo ay leeyihiin waan baxeynaa waxaan ku talineynaa in dagaallada laga hakiyo”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Itoobiya ay dhowr jeer ku cel celisay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadoo gacan siineysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Ciidamo tiro badan u dirtay Soomaaliya sanadkii 2006, xiligaas oo ay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ka talinayeen Maxkamadaha Islaamka, hayeeshee tan iyo markii ay awooddii kala wareegeen maxkamadaha Islaamka waxaa ku furmay mowjado dagaallo ah, kuwaasi oo muddo labo sano ah ku socda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia