Axad, December 21, 2008(HOL): Wasiirro ka socda dalalka IGAD oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Dalka Itoobiya ayaa waxay shirkooda ku taageereen go’aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida ku siiyay XUkuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ay sidoo kale shirkooda ku soo dhaweeyeen Maamulkii dhawaan loo sameeyay Gobolka Banaadir, kaasi oo markii ugu horeysay loo doortay qaab cusub oo doorasho dimoqraadi ah.
Safiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda laga sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu dhawaan qaaday tallaabo aan sharci ahayn, taasi oo uu ku magacaabay Ra’iisal Wasaare cusub, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliyana uu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Waxaa kale oo ay Wasiirrada shirkooda ka soo saareen go’aan ah in cunaqabateyn deg deg ah lagu soo rogo ciddii loo arko in ay caqabad ku tahay geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya, waxayna Wasiirradu taageereen go’aan cunaqabateyn ah oo ay dhawaan Dowladda Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Shirka ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo uu Soomaaliya u metelayay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Maxamuud Goonle ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya caddeysay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia