Axad, December 21, 2008(HOL): Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dhawaan sheegay inuu xilkii ka qaaday ayaa lagu wadaa inuu tago dalka Kenya, si uu halkaas kulamo ugula qaato diblumaasiyiin si weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay ugu horeyso Jendayi Frazer.
Socdaalka Nuur Cadde ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu kulamo ula qaadan lahaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Jandayi Frazer, taasoo ku sugan Nairobi.
Nuur Cadde oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxna laga weydiiyay inuu Nairobi kulan kula leeyahay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Jendayi Frazer ayaa sheegay in uu kulankaas jiro, wuxuuse ka gaabsaday in uu sheego waxa uu kulankaas ku saabsan yahay.
Diblumaasiyiinta Reer Galbeedka ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ayaa waxay haatan isu muujinayaan in ay doonayaan in ay xal u helaan khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isaguna shalay tagay dalka Kenya, si uu kula kulmo Jendayi Frazer iyo diblumaasiyiin kale oo Nairobi ku sugan, wuxuuna socdaalka madaxweyne Yuusuf uu ku tegay Kenya uu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Kenya ay dhawaan shaacisay in ay cunaqabateyn ku soo rogeyso Madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegtay in uu ka soo horjeedo nabadeynta Soomaaliya.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu gaaray in madaxweynaha uu ku dhawaaqo in uu xilkii ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha, inkastoo go’aankaas uu ka soo horjeestay Baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia