Axad, December 21, 2008(HOL): Dowladda Nigeria ayaa Midowga Afrika u xaqiijisay in ay Ciidamo u direyso Dalka ay dagaallada iyo nabad la’aanta ka jiraan ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Addis Ababa lagu qabtay ka sheegay in Madaxweynaha Nigeria Umaru Yar'Adua uu u xaqiijiyay in ay diyaar yihiin Ciidamadii ay Soomaaliya u diri lahaayeen.
“Wuxuu ii sheegay Madaxweynaha Nigeria in Ciidamadooda la qalabeeyay, ayna diyaar u yihiin in ay xoojiyaan Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya”ayuu yiri Jean Ping oo sheegay in uu madaxweynaha Nigeria uu shakhsi ah ugu caddeeyay in ay dhaqsi ugu dirayaan Soomaaliya Hal Battalion oo Ciidamo ah.
Ciidamada Nigeria ayaa marka ay Soomaaliya soo gaaraan waxay ku biiri doonaan Ciidamo ka socda Dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso 3,200 oo Askari. Dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ayaa waxay horay u ballan qaadeen in ay Soomaaliya u dirayaan Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo gaaraya 8,000 oo askari, hayeeshee ilaa iyo haatan tirada Ciidamada ah ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ma dhama kala bar tiradii laga sugayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia