Khamiis, December 18, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha oo markii uu gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in waxyaabaha uu u soo gaaray Muqdisho ay tahay in uu salaamo dadka Muqdisho, kadibna waxaa uu sheegay in isaga iyo qaar ka mid ah xubnaha wafdigiisa ay u sii gudbayaan Dalka Jibouti, halkaasi oo ay ka sii amba qaadi doonaan wada hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti.
Ra’iisal Wasaaraha oo ay warfidiyeennada weydiiyeen sida uu u arkayo socdaalka uu Muqdisho ku joogo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay, wuxuuna sheegay in Guddoomiyaha uu Muqdisho u yimid fulinta heshiiskii Jibouti.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka soo duulay magaalada Baydhabo oo uu maalmihii tegay ku sugnaa ayaa wuxuu socdaalkiisa Jibouti ku soo beegmayaa iyadoo shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiskii Jibouti, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo, in ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya ka baxaan iyo in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo xubnaha Baarlamaankeeda uu dhan yahay 550 Mudane.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia