Khamiis, December 18, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay saakay ku waabariistay kooxo iska soo horjeeda oo la kala wareegay gacan ku haynta Saldhiga Baliiska iyo waliba Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan.
Kooxahan oo Siyaasad ahaan is-khilaafsan isla markaana kala taageersan garabyada Jabuuti iyo Asmara ayaa lagu arkayaa dhammaan is-goysyada Magaalada iyaga oo wata gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan (Tiknikada) kuwaas oo shaki iyo cabsiba ku abuuray dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ah Madaxa Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Goballka Hiiraan isla markaana si weyn u taabacsan Siyaasadda garabka Jabuuti ayaa saakay u muuqda mid ku eg Xafiiska Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin Ciidamadiisa, waxaana xusid mudan in Saldhigga Baliiska oo aan sidaa uga durugsneyn Xarunta uu degan yahay Shiikh C/raxmaan Macow in ay qabsadeen kooxaha ka soo horjeeda.
Isbadalkan ka dhacay Magaalada ayaa ku soo beegmay xili gelinkii danbe ee shalay lagu dilay gudaha Magaalada Beledweyne labo Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Midowga Maxkamadaha kadib markii sida la sheegay uu soo if-baxay muran la xiriira gaari Tikiniko ah oo ay wateen Ciidamada Col. Cumar Xaashi Aadan oo Xarun ku lahaa duleedka Magaalada.
Saraakiisha dhimatay oo lagu kala Magacaabi jiray Cilmi Max'ed Maalin (Cilmi Idhayare) iyo Waliba Axmed Suufi ayaa saakay lagu aasay, waxaana aaskooda ka qeyb galay dhamaan Saraakiisha garabyada isku haya gudaha Magaalada Beledweyne.
Ugu dambeyntii lama oga sida xaalku isku badali doono saacadaha soo socda maadaama Jawigu yahay mid qasan oo mar walba la filan karo in ay wax dhacaan inkastoo hadana uu jiro dadaallo ay wadaan Odayaasha iyo waliba Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha si markaa xaaladda loo qaboojiyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo iska soo horjeeda oo la kala wareegay qeybo ka mid ah gacan ku heyta Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Wareysi: Prof. Axmed I. Samatar
- Carwo-buugeedda Djibuuti 2008 ee Buugaagta Afka Hooyo
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho gaaray, ugana sii gudbay Jibojuti
- Jawiga Magaalada Beledweyne oo kacsan kadib markii maanta is-rasaaseyn ku dhexmartay kooxo iska soo horjeeda
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dacwad laga keenay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
- Afar ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye
- Wafdi ka socda Qaramada Midobay oo booqday Jowhar
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiskii Jabuuti, iyadoo loo qaybiyay mooshin ka dhan ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
- Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo sheegay inaysan ogolaanayn in ganacsi dhacday lagu gado suuqa
- Hub si sharci darro ah ugu qulqulaya Somalia
- Maamulka Gobolka Bari oo wax laga xumaado ku tilmaamay cunaqabateyntii ay Dowladda Kenya ku soo rogtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed