Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dacwad laga keenay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Cabirka Farta

Khamiis, December 18, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in uu gacanta ku hayo dacwad ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
 
Shiikh Aadan Madoobe oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Xildhibaanno ka badan 100 Mudane ay dacwadaas u soo gudbiyeen, wuxuuna sheegay in uu Baarlamaanka ka doodi doono, inkastoo uusan waqti u qaban xiliga uu ka doodayo.
 
“Dacwadan horay ayay ii soo gaartay, laakin aniga ayaa hakiyay oo Baarlamaanka ka codsaday in dib loo dhigo balse waxay mar kale dacwadii iigu soo noqotay kadib markii uu Madaxweynaha ku dhaqaaqay waxyaabo aan sharci ahayn oo ay ka mid tahay in uu Ra’iisal Wasaare kale ku dul magacaabay iyadoo uu Baarlamaanka kalsooni buuxda ka heysto Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in ay madaxweynaha uga yeeri doonaan Baarlamaanka hortiisa si uu isaga difaaco dacwada loo soo jeediyay.
 
Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sharci ah u wajahay waxyaabaha ay isku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna sheegay in uu Baarlamaanka caddeeyay in uu saxsan yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
 
Shiikh Aadan Madoobe ayaa isagoo ka hadlayay madashii uu Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ku siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxa uu sheegay in tallaabooyin uu madaxweyne Yuusuf qaaday ay ahaayeen kuwo aan sharci ku fadhin oo hareer marsan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia