Sabti, December 13, 2008(HOL): Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho gaaray guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti Shiiikh Shariif Shiikh Axmed oo muddo labo sano dalka ka maqnaa, isagoo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Isbahaysigiisa, waxaana dib ugu noqoshada Muqdisho ee Shiikh Shariif soo dhaweeyay Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland.
Qaar ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi u ah Puntland oo u waramay HOL ayaaa sheegay in imaanshaha Wadaadka laga dhaxli karo is-afgarada ka dhaca dalka Somalia iyo in ay heshiiyaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.
Sidoo kale shacabka ayaa ka codsaday Wadaadka in la dhameystiro qodobadii lagu gaaray dalka jabuuti, iyagoo Madaxwaynaha DFKGM ah ku booraayay in uu aqbalo mirihii lagu gaaray dalkaasi.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Godoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Garabka Jabuuti ayay shacabka ku dhaqan Puntland u arkaan mid kaalin wax ku ool ah ku leh geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya, iyagoo taasina sabab uga dhigaya sida uu ugu heelan yahay in nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya la soo celiyo.
Imaanshaha Shiikh Shariif ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa, iyadoo Dalka Jabuuti ay heshiis ku gaareen dhinacayada Dowlada Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid yihiin in xabadda la joojiyo iyo in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia