Sabti, December 13, 2008(HOL): Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu toogtay Dukaan uu ku lahaa meel 20km u jirta magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, kadib markii ay soo weerareen Tuugo South African ah oo bistoolado ku hubeysnaa.
Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiwali Cali Salaad oo ay Xabaddu ka haleeshay Wadnaha ayaa isla markii ku qurbaxay dukaanka gudihiisa.Tuugadan ayaan geysan wax dhac ah marka laga reebo in ay qaateen Taleefoon uu marxuumku lahaa sida uu HOL u xaqiijiyay Maxamed Cismaan Ciise oo ah qaraabada marxuumka.
Waxyar kadib waxaa soo gaaray halkan uu dilku ka dhacay Police-ka mana jirto cid ay u qabteen dhacdadaas isagoo Isbitaalka u qaaday Marxuumka meydkisii.
Dilka lagu hayo Soomaalida South Africa ayaa ah mid aan kala joogsi lahayn kumana sii jirto xiliga uu Sanadku dhamaanayo xiligaas oo ay Tuugadu raadiyaan sidii ay xiliyada fasaxa ah ka u heli lahaayeen wax ay Qamri ku Cabaan, waana xiliyada ugu badan Dhaca iyo Dilka.
Ugu dambeyntiina, dhibaatooyinkan heysta Soomaalida South Africa ku nool ayaa inta badan ka dhaco Tuulooyinka oo ay ka dukaameystaan, maadaama ay yihiin Dad Qoxooti ah oo aan awoodin in ay ku nooladaan magaalooyinka waa weyn oo ay cid kasta ku nooshahay.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa