Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad rayid ah ku dilay Deegaanka Kabo-hirig ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Sabti, December 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Wadada isku xirta Leego  iyo Wanla-weyn ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Kabo-hirig oo ka tirsan Gobolkaas.

Dadka ay Ciidamada dileen oo ahaa kuwo Reer Miyi-Xoolo-Dhaqato ah ayaa waxaa la dilay iyagoo Ceel-Biyood Xoolo ka waraabsanayay, weliba iyadoo la sheegay in halka ceelka ku yaallay ay Wadada Laamiga ah ee isku xirta Leego iyo Wanla-weyn  aad uga durugsan tahay.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay dadkaasi dileen kadib markii ay xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya ay ku weerareen meel aan u dheereyn deegaanka Kabo-hirig, kadibna iyagoo careysan ay dadkaas laayeen.

Dadka ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen ayaa tiradooda waxay dhan tahay 9 ruux oo 7 ka mid ah ay dhalinyaro ahaayeen, halka 2-da kalena ay caruur ahaayeen, waxaana wararku intaas ku darayaan in dad dhaawacyo la cararay ay dhulka baadiyaha jiraan, kuwaasi oo qaarkood ay dhaawacyadooda yihiin kuwo culus.

Dilka ay Ciidamada Itoobiyaanka u geysteen dadkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya inta uusan dhamaanin sanadkan.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay howlgallo ka sameeyay Degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay guryahooda ka kaxeysteen 3 dhalinyaro ah, kuwaasi oo u muuqday in ay bartilmaameed u ahaayeen, waxaana haatan lagu soo waramayaa in ay socdaan dadaallo dhalinyaradaas lagu sii deynayo, kuwaasi oo ay wadaan Waxgarad iyo Odayaal Deegaanka ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia