150 Guri oo ku bas beelay Dab maanta qabsday mid ka mid ah Xeryaha Dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Jimco, August 08, 2008(HOL):  In ka badan 150 Guri oo ka samaysnaa Cooshado Iyo Baakado ayaa Maanta ku bas beelay Mid ka mid ah Xeryaha ay daganyihiin dadka soo Barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Bosaso.

Xeradaan Gubatay ayaa lagu Magacaabaa Buulo Mingis, waxaana Gudaheeda daganaa dad siyaabo kala duwan uga yimid Koonfurta Somalia, si ay u helaan Nolol ka wanaagsan  toodi hore.

Dabkaan qabsday xeradaasi ayaa Galaaftay hanti aad u fara badan oo ay lahaayeen dadkaasi ,waxaana inta badan la waayay hantidii ay lahaayeen dadkaasi.

Lama Garanayo ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka danbaysay dabkani maanta qabsday xerada Buulo Mingis , waxaana dabkani uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhasha mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Boosaaso.

Dab damiska Dawladda Hoose ee Magaalada Bosaaso ayaa Markii dambe xeradaasi gaaray si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabkaasi.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan  maanta booqday ayaa u jeediyay Maamulka iyo Ganacsatada in sida ugu dhakhsiyaha badan gar gaar loola soo gaaro bacdamaa ay guryo beeleen.

Inta badan dabka ka dhasha Xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay waxaa kalifa dabaylaha xagaaga ah oo si xoogan uga dhacaya Gudaha Magaalada Boosaaso.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale uu dab u qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay , iyadoo dabkaasina uu sababay in uu geeriyoodo ilmo yar oo 5 sano jir ah.

Dadka qaar ee dagan Xerada Buulo Mingis ayaa ku waydiinaya marka aad booqato meel ay ku hoydaan iyo waliba wax ay cunaan, iyadoo aysan jirin wax gaar gaar ah oo ilaa iyo hadda dadkaasi loo fidiyay.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia