Jimco, August 08, 2008(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu Saraakiil Ciidan u magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii iyo Taliye ku xigeenkii Booliska Gobolka oo kala ah Cali Aadan Cali (Cali Ganey) iyo Nuuriye Cali Faarax.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid lagu magacaabay 6 sarkaal oo ka howlgeli doona Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo uu sheegay in ay hoos-imaan doonaan Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka Ciidamada Booliska waxaa uu sheegay in Taliyayaasha loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose ay kala yihiin:
C/llaahi Soomow Isaaq Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka
Garaad Maxamed Abuukar Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka
Ibraahim Walaal Taliye ku xigeen Qeybeed
Cumar Calasow Maxamed Taliye ku xigeen Qeybeed
Muuse Cusmaan Cumar Taliye ku xigeen Qeybeed
Khaliif Weydow Xuurshe Taliye ku xigeen Qeybeed
C/llaahi Xasan Bariise, Afhayeenka Ciidamada Booliska waxaa uu sheegay in uu Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu magacaabay saraakiishan kadib markii uu yiri uu la tashaday Wasiirka Wasaaradda Arrmaha Gudaha Muuse Nuur Amiin, kaasi oo uu sheegay in uu aqbalay magacaabistan.
Laakin waxaa magacaabistaas ka hor-yimid Taliyihii iyo Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (Cali Ganey) iyo Nuuriye Cali Faarax, kuwaasi oo sheegay in ay weli yihiin Taliyayaasha sharciga ah ee gobolka, waxayna sharci darro ku tilmaameen in uu Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Saraakiil u soo magacaabo Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Haddii Taliyaha Booliska uu wax magacaabayo waxaa la rabaa in uu soo maro qaabka sharciga ah, mana aqbali doonno in ay gobolka yimaadaan Ragga uu soo magacaabay iyagoo sheeganaya xilal ciidan”ayuu yiri Nuuriye Cali Faarax oo sheegay in taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu doonayo in uu nabadgelyo darro ka abuuro Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia