Jimco, August 08, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkan oo waqti kooban socday ayaa wuxuu bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise, iyadoo kadibna ay Ciidamadaas madaafiic ku jawaabeen.
Intii uu socday dagaalkaas ayaa waxay madaafiic laga tuuray Warshaddii Baastada ku dhaceen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, inkastoo meelaha ay madaafiicdaas ku dhaceen ay ahaayeen meelo ay dadkii deganaa ka barakaceen.
Todobaadkan bilowgiisii ayay ahayd markii dagaal ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ay ku dhinteen dad 10 ruux ka badan, kuwaasi oo uu madfac kula dhacay guri ku yaala Xaafadda Al-Caddaala ee Degmada Hurwaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia