Xoogag ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka oo isku rasaaseeyay gudaha Magaalada Jowhar

Cabirka Farta

Axad, August 31, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in saaka ay gudaha magaaladaas is-rasaaseyn ku dhexmartay xoogag ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka.

Xoogagga isku dhacay ayaa waxay ka kala amar qaataan saraakiil ka wada tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka, waxaana la sheegay in is-rasaaseynta dhexmartay ay ku dhaawacmeen labo dagaalyahan oo ka tirsan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Jowhar.

Sababta keentay in ay isku dhacaan Xoogagga labada dhinac ayaa la sheegay in ay salka ku heyso khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha labada dhinac kala hoggaamineysa, kuwaasi oo haatan ku wada sugan magaalada Jowhar.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Jowhar-na waxaa ay sheegayaan in haatan lagu howlan yahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex oogantay Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waa markii ugu horeysay oo la maqlo in Xoogag ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka ay is-rasaaseeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo shaac-baxday Awoodda Maxkamadaha Islaamka, xiligaas oo ku beegneyd horaantii sanadkii 2006.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia