Axad, August 31, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha degmadaas lagu dilay dad rayid ah, kuwaasi oo ku sugnaa maqaayad ay ku fiidsanayeen.
Dadka dhintay oo tiradooda lagu sheegay seddex ruux iyo dhaawac soo gaaray labo ruux oo kale ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubeysan oo ku rasaaseeyay halkii ay joogeen, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay dadkaas u dileen.
Dad aan kala xiriirnay Degmada Wanla-weyn ayaa waxay sheegayaan in ay tuhmayaan in dadkaas loo dilay aano qabiil, waxayna sheegeen in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen kadib markii ay dilka geysteen.
Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya Xoogag ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhawaanahan la sheegayay in ay gudaha magaalada ka sameeyaan howlgallo ammaanka lagu sugayo.
Dilka Xalay ka dhacay Degmada Wanla-weyn ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo habeen hore ay dilal dad rayid ah loo geystay ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo shaacin sababtii ka dambeysay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia