Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka soo horjeestay in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir lagu qeybsado 4.5

Cabirka Farta

Axad, August 31, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ka soo horjeestay hadal uu shalay sii daayeen Garaad Cabdullaahi Macallin Cabdi Ciid oo ka mid ah Isimida Puntland, kaasi oo ahaa in Maamulka loo sameynayo Gobolka Banaadir uu noqdo mid Golihiisa deegaanka lagu qeybsado qaab beeleed ku saleysan 4.5.

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in hadalka uu sii daayay Garaad C/llaahi Macallin uu ahaa mid aan ka soconeynin deegaannada Beelaha Hawiye.

C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir ay golihiisa deegaanka geli karaan kaliya dadka u dhashay, wuxuuna sheegay in aysan soconeynin in dad meelo kale ka yimid ay ka yiraahdaan waa in maamulka Gobolka Banaadir afar beelood iyo bar lagu qeybsado.

“Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir kuma jiraan Golaha Deegaanka Boosaaso, sidaasoo kalena Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir waxaa xaq u leh in ay galaan Dadka u dhashay”ayuu yiri C/llaahi Dheere.

“Hadalka Garaad C/llaahi Macallin wuxuu la mid yahay oraahdii ahayd kaaga kula-lihi keygana aniga ayaa iska leh, marka taasina ma ahan mid Soomaali dhexdeeda ka soconeysa waayo hadda dadka Soomaaliyeed waa wada caqliyeysteen”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).

Hadalka Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu Garaad C/llaahi Macallin Cabdi Ciid uu sheegay in loo baahan yahay in golaha Deegaanka ee maamulka Gobolka Banaadir laga dhigo mid xubnahiisa lagu soo xulay Afar Beeleed iyo Bar.

“Aniga ma dhahayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ha laga keeno Burco iyo Boosaaso balse waxaan leeyahay xubnaha Golaha Deegaanka waa muhiim in ay ku jiraan dhamaan dadka Soomaaliyeed, waayo Muqdisho waa Caasimaddii Dalka”ayuu yiri Garaad C/llaahi Macallin Cabdi Ciid.

Ugu dambeyntiina, ka hadalka arrinta maamul u sameynta Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay ku heshiiyeen in shaqada laga fariisiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, kadibna muddo 15 maalmood gudahood ah maamul ay dadka soo doorteen loogu sameeyo Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia