Gabdhahii K/kolayga Qaranka iyo Kooxaha Soomaaliya oo London Casho sharaf ugu sameeyay Wiilashii hore ee K/Kolayga Soomaaliya iyo macalimiintooda

Cabirka Farta


Axad, August 24, 2008(HOL): Waxaa xalayto oo ay taariikhdu ahayd 20 AUG 08 lagu qabtey Yasmin Restaurant oo ku yaal  Galbeedka London, xaflad casho sharaf ahayd oo lagu soo dhawaynayey qaar ka mid ahaa bahwaynta kubadda kolayga Soomaaliya  oo dhawrkii todobaad ee na soo dhaafay  ku sugnaa magaalada London.

Xafladatan oo loo soo agaasimay si heer ah ayaa waxaa soo agaasimay gabdhihii caanka ku ahaa kubadda koleyga Soomaaliya barisamaadkii kuwooda ku nool dalka Ingiriiska iyo saaxiibadood, kuwaas oo kala ahaa sidatan:

Xaawo Taako                           Kooxda LLPP Jeenyo.
Shurki Dhalbaas                        Kooxda Muqdisho.
Luul Aden Shido                       Kooxda Somalita.
Miski Cumar                             Kooxda Somalita.
Safiyo Neero                            Kooxda Somalita
SamSam Xaaji                          Kooxda Somalita
Bakiin Xaaji                              Kooxda Jeenyo Junior-ka
Nuuno Cumar                           Kooxda Gobalka Banadir
Jamiila Yusuf                            Taageerayaashii Cayaaraha Soomaaliya
Khadiijo Cabdi Gacal
Laylo Faarax
Muna Mohamed
Yasmin Abbas
Sowdo
Ismahan Abdulahi Xaaji

Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen macalimiintii iyo cayaartoydii hore ee kubadda kolayga dalka kuwoodii ugu magaca dheeraa qaarkood ayaa waxaa hadalo soo dhawayn ah ka soo jeediyey, iyadoo ku hadlaysa magaca gabdhaha kubadda koleyga Marwo Xaawo Taako oo ka mid ahayd ciyaartii kooxda howlaha guud ee Jeenyo iyo xulkii qaranka Soomaaliya burburkii dalka ka hor.

 Hadalkeedi waxay ku biloowday inay caawa sharaf u tahay  gabdhaha Basketbalka Soomaaliyeed  ee caawa soo agaasimay xafladatan  inay ku soo dhaweeyaan wiilashii kubadda koleyga Soomaaliya ama walaalahooda uga yimid dalal kale si ay isku arkaana isla markaana ay si wadajir ah u soo dhawaynayaan, marka walalayaal ku soo dhawaada magaalada London ayay hadalkeedii ku soo koobtey  Xaawo Taako iyadoo ku faraxsan inay aragto dadkii ay isla soo koreen ayna ka wada tirsanaayeen kooxaha kubadda koleyga Soomaaliya oo muda ka badan 20 sanadood aysan is arkin intooda badan.

Kadibna waxaa meesha ka hadlay laacibkii Soomaaliya ee kubadda koleyga Cabdulqadir Xaaji Daahir ‘’Shiikha’’ oo ku hadlaayay magaca ciyaartooyda martida isagoo kaga mahadceliyay sida walaaltinimada leh ee London ay ugu soo dhaweeyeen iyo cashada quruxda badan ay caawa ku marti qaadeen gabdhaha basketka, waad  mahadsan tihiin walaalayaal  hadana waxaa halkaan ku soo dhawaynayaa inuu xogaa kalimada ka yiraahdo gudoomiyaheena Basketbalka macalin Cabdi Mohamed Ciye ‘’ Cabdi Dheere’’ ayuu yiri.

Gudoomiye Cabdi Dheere ayaa sacab badan loo garaacay inta uu ka soo socday kursiga u fadhiyo ilaa Micrafoonka.

Waan idin salamayaa walaalayaal dhamaantiin wiilal iyo gabdho, sharaf weyn bay noo tahay inaad noo mujiisaan soo dhawaynta heerka sare ah tan iyo maalintaan soo gaarnay magaalada London.

Waadna ku mahadsan tihiin, waana wax aan idin ka filaynay, marka anaga hada waxaan London u nimid sidii aan u dhisan lahayn wax naga dhaxeeya oo anfaca ubadkeena qurbaha ku kala daadsan iyo sidii aan dalkeena wax ugu qaban lahayn, waxaana loo bahan yahay in dhamaanteen iyo inta  naga maqanba caawa inaa ka shaqayno arimo badan oo na horyaala .ayuu hadalkiisu ku soo gaabiyay.

Casho sharaftii baa la guda galay kadib markii ay dhamaatey qudbadihii ay jeedinayeen masuuliyiintaas, waxaana meesha heeso soo dhawayn ah kaga luuqaynaayey fanaanka mustaqbalka leh alfanaan Abtiga, iyadoo aad moodo jawiga meesha  sida la isku hiloobay kala maqnaanshaha mudada dheer in loo bahan yahay in hada iyo wixii ka dambeeyo la wada xiriiro dibna la isku soo abaabulo si wax loogu qabto da’yarta Soomaaliyeed ee  ku nool dibadaha kuwaas khatar weyn ay ka soo foodsaartey qurbaha ay ku nool yihiin.

Marti sharafka ka kala yimid dibadaha oo xafladaas goob jooga ka ahaa waxay kala ahaayeen sidatan.

Gudoomiye Cabdi Dheere.               Macalinka  Kooxda Jeenyo &  Xulka qaranka
Abdulkadir Xaaji Dahir” Shiikha’’.   Kooxda Badda.
Ahmed Dahir                                   Kooxda Horseed
Ahmed Musse                                 Kooxda Petrolka
Idiris Sulayman                                Macalinka Xulka qaranka gabdhaha
Mohamed Rashid A. Mumin           Kooxda  Muqadisho.
Ahmnadeey B                                 Kooxda Muqadisho
Daa’uud Ahmed                              Kooxda Muqadisho
Mohamed Farah ‘Dabdamis’          Garsoore Kubadda koleyga
 
Waxaa kale oo xafladatan ka soo qayb galay bahda isboortiga magaalada London, kuwaas iskugu jirey kuwa kubadda koleyga iyo kubadda cagtaba sida Macalin John, Macalin Bashiir, macalin Shiine,  Aarkeey,Mohamed Buwe, Mohamed Sheikh, Zakariye Baliile, Ahmed Bile, Mohamed Weeroow, Dahir Gacanay, Mohamed Salad, Mohamed Khalif, Hassan  London Stars iyo marti sharaf kale.
 
Marti sharafka bahda Basketbalka ayaa xaflado badan iyo qado sharafyo kala duwan loogu sameeyay sida West, North-ka iyo xaafada Xaawo Taako iyo Shiis oo labaduba ahaa dad taariikh ku leh kubadda koleyga Soomaaliya barisamaadkii haatana ku nool magaalada London.

Xafladii ayaa ku soo dhamaatey jawi aad u wanaagsan iyo farxad muda dheer ay qalbiyadooda ku sii jiri doonto ciyaaryahandii hore ee Soomaaliya oo aad hada moodo inay dib boorka isaga jafayaan si ay u soo celiyaan sumacadii ay ku lahaayeen dadkooda iyo dalkooda hadi Eebe Idmo, waxaa moodaa bahda Basketbalka ay isaga dhaw yihiin kuwa ciyaaraha kale marka eegto sida ay u wada socdaan iskuna qadarinayaan, taas oo mudan in looga daydo.




By: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA  & Sports Editor
London, UK