Axad, August 24, 2008(HOL): Waxaan wali toos ah u bilaaban Waxbarashadii 6 Dugsi Sare oo ku yaala Magaalada Beledweyne, kuwaas oo qorshuhu ahaa in bilawgii Bishan aynu ku jirno soo xaadiraan ardaydii Wax-ka-baran jirtay.
Maamulka Dugsiyadda Shiikh Max'ed Macallin, Mujamac Dhiiba, Beledweyne, Cabdi Soomane, Cumar Binu-khidhaab, iyo waliba Al-aqsa, ayaa si wada jir ah waxaa ay u sheegeen in dib u dhac la taaban karo uu ku yimid Sanad Dugsiyeedkii 2008 oo sida ay sheegeen waqtigiisii soo dhaafay, iyagoo intaas ku daray in sababta ugu weyn ay tahay joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo waliba Waalidiin badan oo aan ku kalsooneyn ammaanka Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale waxaa uiu Maamulku intaa ku daray in 50% la oran karo dibada ayay Magaalada uga maqan yihiin ardaydii wax ka baran jirtay Dugsiyada kadib markii ay barakaceen Qoysaskii ay la noolaayeen, waxaana intaas ka sii daran sida ay hadalka u dhigeen Ciidamada Itoobiya ee dhufeysyada ku leh daafaha Dugsiyada oo argagax iyo cabsiba ku ridaya haddiiba ay jiraan arday diyaar u ah in ay sii wataan Waxbarashadooda.
Mid ka mid ah Maamulka Dugsiyada Sare ee Magaalada ayaa HOL u sheegay in arintan xitaa ay gaarsiiyeen Duqa Magaalada oo ah mas'uulka kaliya ee hadda ka jooga Maamulkii Gobalka Hiiraan kaas oo aan ilaa hadda wax jawaab ah nasiin ayuu yiri Maamulahaas oo intaas ku sii daray in haddii ay arimuhu sidan ku sii socdaan Magaaladu u muuqan doonto mid Mileteri oo kaliya degan yahay.
Marka laga soo tago Magaalada Beledweyne waxaa sidoo kale xiran qeybo ka mid ah Dugsiyada Degmooyinka Gobalka oo ahaa kuwo markii horeba ku xirnaa dhaqdhaqaaqa Waxbarasho ee ka jira Magaalada sida uu HOL u sheegay Madaxa Waxbarashada Gobalka Hiiraan Max'ed Macallin Xasan.
Inkastoo Caqabaddaasi jirto ayaa haddana dhinaca kale waxaa soconaya dadaallo ay wadaan Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan kuwaas oo ugu yaraan la doonayo in Ciidamada Itoobiya looga raro meelaha muhiimka u ah dadweynaha sida goobaha ay ku yaallaan Meheradaha ganacsiga, Dugsiyada Waxbarashada, iyo waliba Masjidyada mar haddii maalmo kooban ay ka harsan tahay Bisha barkeysan ee Ramadaan.
Hase ahaateen ma cadda sida Odayaasha dhaqanku durbaba ugu guuleysan karaan dadaalka ay wadaan, maadaama Saraakiisha Itoobiyaanku ku doodayaan in marka hore loo baahan yahay Odayaashu in ay joojiyaan weerarrada lagu qaadayo Ciidamada Itoobiya ee fariisimaha ku leh bartamaha Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Beledweyne oo saameyn muuqata ku yeeshay howlihii Waxbarasho ee G/Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Gabdhahii K/kolayga Qaranka iyo Kooxaha Soomaaliya oo London Casho sharaf ugu sameeyay Wiilashii hore ee K/Kolayga Soomaaliya iyo macalimiintooda
- Olole lagu furayo Waddooyin cusub oo ka bilawaday degmada Gal-Dogob ee Gobolka Mudug
- Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo la sheegay in ay isaga soo dhawaadeen khilaafkii u dhaxeeyay
- Xildhibaan Barre Hiiraale oo ugu dambeyntii gaaray Gobolka Gedo kadib seddex dagaal oo ku qabsaday inta u dhaxeysa Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose
- Xildhibaannada Beesha Sade ugu jira Dowladda Federaalka oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kismaayo