Xildhibaannada Beesha Sade ugu jira Dowladda Federaalka oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kismaayo

Cabirka Farta

Axad, August 24, 2008(HOL): Xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jira Beesha Sade ayaa waxay shalay shir jaraa’id ku qabteen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyagoo shirkooda jaraa’idna uga hadlay dagaalladii seddexda maalmood socday ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaannadan oo ay u hadleen Maxamuud Sayid Aadan iyo C/raxmaan Yuusuf Diiriye Indha-buur ayaa waxay ugu horeyntii si kulul u cambaareeyeen falkii dilka ahaa ee loo geystay dad badan oo rayid ahaa oo iyagoo aan waxba galabsan dagaal laga dul-riday, kadibna loo geystay dil, dhaawac iyo barakicin.

Xildhibaan C/raxmaan Indha-buur ayaa sheegay in dagaalkaas ay u arkayaan in uu ahaa mid lagu qaaday beel deganeyd magaalada Kismaayo, ayna ku qaadday sida uu hadalka u dhigay beel kale, “Wadaadada dagaalka ku qaaday magaalada Kismaayo waxay Idaacadaha ka sheegi jireen in ay la dagaallamayaan gaalo wadanka ku soo duushay marka waxaa is-weydiin leh Kismaayo ma waxaa joogay gaalo dalka laga xoreynayo haddii aysan sheekadu ahayn in qabiilka meeshaas ku nool lala dagaallamayo”ayuu yiri Xildhibaan Indha-buur.

Laakin iyadoo ay Xildhibaannadan sidaas leeyihiin ayay dhinaca kale saraakiil u hadlay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo aaney jirin cid qabsatay iyo cid laga qabasaday toona, isla markaana ay magaalada tahay mid dadka Soomaaliyeed u dhaxeysa.

Shiikh Ibraahim Shukri (Abuu Seynab) oo saraakiishaas ka mid ah oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo wararka sheegaya in ay magaalada  Kismaayo qabsadeen waxaa uu sheegay in uu warkaas yahay mid dadka lagu jaha-wareerinayo, wuxuuna sheegay in ay magaalada tahay mid nabdoon oo ay dadka si cabsi la’aan ah ugu nool yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay haatan wada hadallo la leeyihiin Odayaasha Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ay kala hadlayaan sidii ammaanka loo sugi lahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia