Wufuud iyo Ciyaartoy Soomaaliyeed oo ka qeybgeleysa Ciyaaraha Olombikada Adduunka oo Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed uga hadlay Magaalada Beijin

Cabirka Farta


Khamiis, August 21, 2008(HOL):   Waxaa xalay kulan isugu timid dhammaan Soomaalidii Beijing joogtay, hadday yihiin kuwii dalka matalayey iyo kuwii waddamo kale matalaayeyba, kadib markii uu cayaarta ka soo baxay Cabdinasir Kaneeco oo Soomaaliya u ordaayey.  Runtii waxay khubarada iyo macalimiinta cayaaraha fudud isku raacen inuu mustaqbal fiican ku leeyahay cayaaraha fudud hadduu helo daryeelka iyo tababarka uu u baahan yahay.

Kulanka oo ka dhacay aqalaka Somalida waxaa goobjoog ahaa marka laga reebo wafdiga Somalida: Jaamac Karaaciin, Maxamed Sulyman, Mo Farah(best European 5000-10000 runner), Abdi Abdirahman USA(best US 10000 runner), iyo Mustafa Mohamed Sweden(best European 3000 steeplechse runner).

Kulankan oo looga hadlaayey sidii loo hormarin lahaa cayaaraha fudud ee Soomaliya si ay uga soo baxaan cayaartooysharafta iyo calanka Somaliyeed kor u qaadda biladona soo hoysa,  Waxaa ugu horreyn furay madaxa wafdiga Somalida (chef de mission) Duran Farah, oo uga mahad celyey macalimiinta iyo dhalinyarada Somaliyed sida ay u daneynaayaan iney wax u qabtaan waddankoodii asalka, waxaa isna hadalkii qaatay Mohamed Suleyman oo ah Madaxa ciyaaraha fudud ee waddanka Qatar isagoo soo jeediyey hadal dadkii joogay oo idil aad uga qiireysiiyey, wuxuu sheegay inuu yahay Olympics-kaan kiisii 5aad uusan horay u arkin Somali sidan u nidaamsan, taasoo nagu dhiiri galineysa inaan waddankayaga wax u qabanno. 

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan Sportigu qabiil kala lahayn oo ay ayaku isku qabiil yihiin meel kasta oo ay ka kala yimaadaanba.  Waxaa isna goobta ka hadlay Aden H. Yeberow Wiish oo ku ammanay Mohamed Suleymaan sida Somalinimada leh uu uga fikiraayo dalkiisa taariikhduna xusi doonto.  Wuxuu kaloo bilaabay inuu ka hadlo waxtarka iyo waddaninimada Jaamac Karaaciin, xoogaa markii uu waday ayuu hadalkii si wadi waayey qiiro darteed, wuxuuna sheegay inuu Jamac waligiis u taagnaa sidii uu dalkiisa wax u tari lahaa, laakiin uu waayey cid la wadda, markii uu ka hadlaayey waxaad arkeysay dadkii oo wada ilmeynaaya qiiro darteed.

Jaamac Karaaciin ayaa isna ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin sida ay sanadihii hore uga nadaamsan yihiin wafdiga Somaliada uga qayb galaaya cayaaraha, wuxuuna u mahad celiyey madax wafdiga sida uu ugu dadaalaayo isku xirka dhamaan dadka Somalida ah oo aysan laaantiis suurto gal ahaanteen inaan sidan isugu nimaadno, wuxuuna ballan qaaday inuu dadaalkiisa labanlaabi doono sidii loo hormarin lahaa sportiga Somaliyeed gaar ahaan cayaaraha fudud.

Waxaa iyaguna goobtaka hadlay dhalinyaradii Somaliyee waxaa bilaabay Mustafa oo urdaayey Sweden, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la joogo walaalihiisa Somaliyeed uuna jecel yahay inuu wax u qabto dalkiisa, wuxuu yiri annaka mar walba waxaa naga soo gaara dalka warar khalada oo xun, marka hadda wixii ka danbeeya inaan xirii wanaagsan yeelano oon meel uga soo wada jeesano waxqabadka dalkeena, waxaa isna hadlay Abdi Abdi USA oo isna runtii ku dheeraaday sida uu diyaarka ugu yahay inuu dalkiisa wax u qabto, wuxuu sheegay inuu laba calan boorsad ku watay ciyaartiisii Finalka, Somali iyo USA, oo uu yiri haddaan billad qaadi lahaa labada calan ayaan wada babin lahaa laakiin iima suurtoobin.

Waxaa isna ka hadlay goobta Mohamed Farah ama Mo asna wuxuu si qiiro leh uga hadlay xaaladda adag ee uu dalkeenu ku jiro, wuxuuna yiri waan ku faraxsanahay inaan Uk matalaayo laakiin waxaan aad uga sii faraxsanaan lahaa anigoo watta garan buluuga oo ay Soomaaliya ku qoran tahay.

Guud ahaan wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan waxaana lagu balamay in la furo ugu yaraan 6 center oo lagu tababaro dhalinyarada, kuwaasoo ay kharashka ku baxaaya kala qaybsanaayaan macalimiinta iyo orodyahanada asal Somaliga ah.  Kan ugu weyn oo xamar laga furi doono bilowga bisha October waxaa bixinaaya kharashkiisa furitaanka iyo lixda bilood ee ugu horeysa wixii ku socon lahaa Macalin Jaamac iyo M. Suleyman, ayna ku xigi doonaan kuwo laga furi doono dhawr gobol sida Hiiraan, Bay, Sool, Shabeelada Hoose iyo Togdheer.  Waxaa kaloo la qorsheeyey in dhalinyarada talent-iga leh lloo dirayo xeryo waddanka dibadiisa sida Sudan iyo Yemen oo uu Jaamac Centres ku haayo, iyo Kenya iyo Tanzaniya ay Qatar centero ku leedahay.






Hiiraan Online
Beijin, China