Senator Amy Klobuchar oo la shirtay Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Minnesota

Cabirka Farta

 


Thursday, August 21, 2008

 

Minneapolis (HOL) - Senator Amy Klobuchar oo ah Senatarad laga soo doorto gobolka Minnesota  ayaa Aqalka Ummada ee Gobolka Minnesota ku la kulantay madaxda Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

 

Shirkan ayaa waxaa isku soo dubadiray  Siyaad Maxamuud Cali (Siyaad Geelle) oo ka mid Shaqaalaha Xafiiska Senator Klobuchar u qaabilsan arimaha Jaaliyadaha Afrikaanka.

 

Arimaha lagaga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa:

 

  • Xawilaadaha Soomaaliyeed iyo Caqabadaha ka haysta Shuruucda Bangiyada.
  • Immigration (TPS), Madaxda Jaaliyada ayaa ka codsadey Senatorka in ay sharci la raadiso dadka Soomaalida ah ee wadanka ku jooga TPS (Temporary Proctected Status) ka, kuwaas oo sanadkasta ay ka dhacaan waraaqaha shaqadu, una baahan sharci rasmi ah.
  • Qaxootiga Soomaalida ee iman jiray Wadanka oo dhawaan la Hakiyey ayaa Madaxdu codsadeen in Senatorku wax ka qabto.
  • Xanuunka Austims, Madaxda Jaaliyada Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey Xanuunka Austism kaas oo in kabadan 25% caruurta qabta xanuunka ay yihiin caruur Soomaaliyeed, Arintan oo u baahan in Senator la hadlo hay’adaha caafimaadka iyo Iskuulada la xidhaadha si loo baadho sababta xanuunka keentay.

 Senator Amy Klobuchar ayaa balan-qaaday in Xafiiskeedu howlaha guda-galayaan, arimaha qaarna ay badhtanka kaga jiraan.

 


Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay, Madaxda Jaaliyada, Mudane Dr. Siciid Faahiye, Confederation of Somali Community, Marwo, Faadumo Mohamed, Confederation of Somali Community, Mudane, Shafi Hashi Somali Action Alliance, Mudane: Maxamed Abukar, Somali Benadiri Community, Mudane Cabdullahi Guled, Afrikan Community Services, Mudane: Omar Jamal, Somali Advocay Justice, Cabdullaahi Hassan, Cabdirisaq Sugule, Cabdullahi Ahmed, Ilhaam oo dhamaan ka socday ururka Xawilaadaha Soomaalida.

 

Dhinaca, Xafiiska Senator Amy Klobuchar  waxaa uga qeyb-galay, Senator Amy Klobuchar,  Zach Rodvold, Siyad Ali iyo Tom Sullivan.

 

Shirkan ayaa wuxuu ku dhamaaday guul, Senatorka iyo Shaqaalihiisuna waxay balan qaadeen inay howlan siin doonaan muhiimad weyn. Waxna ka qaban doonaan.