Dhaca Taleefoonnada Mobile-ka oo habeenkii ku soo badanaya Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Khamiis, August 21, 2008(HOL): Waxaa xiliyada habeenkii ah ku soo badanaya Gudaha Magaalada Boosaaso dhaca Taleefoonnada Mobile-ka, iyadoo falkaasi dhaca ahna  ay gaysanayaan dhalinyaro u socota Xayn Xayn, kuwaasi oo dadka shacabka ah ku baaranaya xaafadaha qaar ee Magaalada Boosaaso.

Dhalinyaradan falkani geysanaya ayaa qaarkood ku hubaysan Baastoolado Iyo Tooreeyo, waxaana dhacda mararka qaar in ciddii amarkooda diida ay ku samayaan wax khatar galinaya qofka Noloshiisa.

Falalkan ay ku ka kacayaan dhalinyaradaan dadka baarata ayaa inta badan waxa ay ka dhacaan xaafadaha qaar sida Laanta hawada Iyo Biyo Kulule ee Magaalada Boosaaso.

Shacabka ku dhaqan Boosaaso ayaa Iminka quus ka taagan dhalinyaradaasi oo si aad ah waqtiyadii u dambeysay ugu soo badanayay Gudaha Xaafadaha qaar ee Magaalada Boosaaso.

Horaantii Bishiii hore ayay ahayd markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso loo dilay Mobile dartii, xilli uu ku sugnaa meel u dhaw Guriga uu ka dagan yahay Magaalada Boosaaso.

Dhawr jeer oo hore Maamulka Gobolka Bari ayaa sheegay in ay wax wayn ka qaban doonaan dhalinyaradaasi Mobillada iyo saacadaha ka furanaya shacabka marka ay ka soo rawaxaan shaqooyinkooda.

Inkastoo Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ay wadaan xilayada qaar hawlo ay ku sugayaan amniga Magaalada ayaa hadana waxaa la dareemayaa culeys dhanka dhalinyaradaasi ah oo soo food saaray shacabka ku dhaqan gudaha Magaalada Boosaaso.

Isku soo wada Duuboo dhaca Mobilka ayaa haddii uu sidaan ku sii socdo laga yaabaa in saamayn wayn uu ku yeesho amniga Gobolka oo dhan.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia