
Axad, April 06, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Dgemada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadan ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa gacan ku heynta Degmada Balcad waxay kula wareegeen dagaal ay la galeen ciidamo ka amar qaata maamulka Degmadaas.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn, waxaase la sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira iyo weliba gaadiid dagaal oo laga qabsaday ciidamada maamulkii degmada ka talinayay.
Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad, wuxuuna sheegay in maamulkii Degmadaas ka talinayay uu degmada isaga baxay.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in aysan Ciidamadooda wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii horay u joogay Degmada Balcad, wuxuuna sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan Degmadaas, xaaladdeedana ay wanaagsan tahay.
Qaar ka mid ah Dadkii ku noolaa Degmada Balcad ayaa waxay u carareen duleedyada Degmada Balcad iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan, sida uu ku waramay mid ka mid ah Dadkii Rayidka ahaa ee degmada Balcad isaga cararay, kaasi oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay isagoo ku sugan Deegaanka Gololey oo aan u dheereyn Degmada Balcad.
Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay degan tahay, isla markaana ay dadka dhaqdhaqaaqyadooda si caadi ah u wataan, walow ay jirto cabsi ay dadka qaarkiis qabaan taasi oo ah in ay soo rogaal celiyaan Ciidamadii maamulka Degmada oo la sheegayo in ay u baxeen dhinaca Degmada Jowhar.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinka Beledweyne, Buulo-Barde iyo Jowhar, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ayaa dagaallada ay dhinacyadaas kala soo horjeedaan waxay u weeciyeen dibadda magaalada Muqdisho, iyagoo la wareegay gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia