Labo Askari oo xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso

Axad, April 06, 2008(HOL): Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay gudaha Magaalada Boosaaso, iyadoo dilka labadaas Askarina ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysan oo si gaadmo ah u toogtay.

Ciidamadan la toogtay ayaa waxay ku howlanaayeen howlgal roondo ah oo ay ka fulinayeen gudaha Magaalada Boosaaso, waxaana la toogtay intii ay howlgalka ku jireen, sida uu ku waramay Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf waxaa uu sheegay in ay haatan Ciidamada Ammaanka Puntland ay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay dilka askartaas, wuxuuna caddeeyay in la qabtay gaari ay wateen raggii falkaas dilka ah geystay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar loogu geysto gudaha magaalada Boosaaso Ciidamo Boolis ah oo howlgal nabad-sugid ah ku howlan, mar sii horeysay ayaana gudaha Boosaaso lagu weeraray gaari ay la socdeen Ciidamo roondo sameynayay, kaasi oo Bambo gacmeed lagu tuuray, iyadoo weerarkaasna uu dhaawac ka soo gaaray qaar ka mid ah Askartii gaarigaas saarneyd.
 
Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi ayaa dhowr jeer oo wax laga weydiiyay nabadgelyo-darrada ku soo kordheysa Magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in Dad ka yimid dibadda Puntland ay falalka nabadgelyo-darrada ah ka dambeeyaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Boosaaso ee Gobolka W/Bari ayaa waxaa ka dhacay af-duubyo loo geystay dad ajnabi ah, qaraxyo ay  dad badan ku dhinteen iyo iska hor-imaadyo dhexmaray Ciidamada Ammaanka Puntland iyo Kooxo falal nabadgelyo-darro ah waday, kuwaasi oo qaarkood hiilo ka helayay Dad ay isku heyb yihiin sida dhacdadii ka dhacay Xaafadda Biyo Kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso, waxayna dhamaan falalkaas nabadgelyo darrada ah muujinayaan sawir aan wanaagsaneyn oo xumeynaya ammaankii lagu yaqiinay magaalooyinka waa weyn ee uu ka taliyo maamul goboleedka Puntland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia