Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka dhoofay Magaalada Nairobi

Xoghayihii Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka -Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Axad, April 06, 2008(HOL): Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xalay halkaas isaga dhoofay.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo wafdigaas ka mid ahaa ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho in ay dhameysteen howshii ay Nairobi u joogeen, isla markaana ay ka dhoofayaan Magaalada Nairobi, isagoo ka gaabsaday in uu sheego halka ay ku wajahan yihiin.

Prof. Caddow oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ka ahaa Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in intii ay joogeen Magaalada Nairobi ay la kulmeen madax ka socotay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo weliba Safiirrada Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay wada hadalladaas ku tacaluqeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya.
 
Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo labo maalmood kala gaaray Magaalada Nairobi ayaa waxaa kala hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana xubno ka ahaa Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, Maxamed Cabdi Yuusuf,  Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Dr. Cumar Iimaan, Maxamed Xasan Daryeel, Caasha Xaaji Cilmi iyo xubno kale.

Dadaalka ay beesha Caalamka ugu jirto in la xaliyo mushkiladda Soomaaliya ayaa wuxuu haatan u muuqdaa mid dhab ah, waxaana muuqata rajo ku saabsan in ay isa soo hor-fariistaan dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, iyadoo dadaalka arrintaasina ay si weyn ugu howlan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed oo u badan kuwo ku sugan magaalada Muqdisho oo inta badan ay ka dhacayaan dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxay si weyn u jeclaan lahaayeen heshiis ay agaareen dhinacyada dushooda ku dagaalama, si markaas ay u helaan nabad ay ku noolaadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia