Khamiis, April 24, 2008(HOL) - Hiiri Cabdi Digaale iyo Shariif Axmed Maxamed ayaa maanta lagu aasay magaalada Johanesburg ee dalka Koofur Afrika.
Hirre Cabdi Digaale ayeey tuugo ku weerartay xili uu ku safrayey wadada u dhexeeysa Rustenburg iyo Johannesburg iyagoo halkaas ugu geystay dhaawacyo culus. Marxuumka ayaa loola carray Dhaqtar ku yaala magaalada Joanesburg halkaas uugu geeriyooday dhawacyadii ay tuugada soo gaarsiiyeen.
Marxuumkaa ayeey tuugadaas ka dhaceen lacag gaareysa R80,000 oo u dhiganta $10,000 (toban kun oo dollar).
Shariif Axmed ayeey xalayto rag hubeysan ku dileen tuulada lagu magacaabo Sikani oo dhow Xaafadda Springs ee gobolka Gauteng. Marxuumka ayaa sida uu u xaqiijiyey HOL mid ka mid ah qaraabadiisa oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan (Koofi) ayaa sheegay in marxuumka waddankan Koofur Afrika joogay wax ka yar hal bil
Dhibaatooyinka lagu hayo soomaalida ayaa sii badanayo xili ey sii kordhayaan dadka soo galaya Dalka Koofur Afrika ayaga oo ka soo qaxaya dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.
Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa