Britain oo UN-ka u gudbisay Qaraar ku saabsan sidii Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya loogu rari lahaa Soomaaliay

Cabirka Farta

Khamiis, April 24, 2008(HOL): Dowladda Ingiriiska ayaa waxay waddaa qaraar qabyo ah oo ku saabsan sidii Xafiiska Siyaasadda  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNPOS oo haatan ku howlgala Dalka Kenya loogu rari lahaa Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sababta ay Qaraarkaas u soo diyaarisay waxay ku sheegtay in ay dooneyso sidii uu Xafiiskaas dadaal siyaasadeed u gelin lahaa sidii nabad loogu soo celin lahaa dalka ay dagaallada aafeeyeen ee Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa sidoo kale waxaa ku jira soo jeedin ku saabsan sidii ay Qaramada Midoobay u diyaarin lahayd Ciidamo ka howlgala Soomaaliya oo bedela kuwa Amisom ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Qaraarkan qabyada ah ee ay soo diyaarisay Dowladda Britain ayaa meel marintiisa waxaa ay tahay mid mugdi ku jirta waayo waxaa jira dalal badan oo ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo cago-jiidaya in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo bedela kuwa Amisom. 

Marka laga soo tago codsiyada ku saabsan in Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya waxaa weli la la’yahay Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika, kuwaasi oo tiradooda ay gaareysay 8,000 oo askari, iyadoo ay xusid mudan tahay in haatan ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin 2,600 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia