Khamiis, April 24, 2008(HOL): 7 ruux oo saarnaa Gaari Mini Bus ah oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha ayaa dhaawacmay kadib markii Gaarigii ay saarnaayeen ay ku dhacday Booyad Ural ah oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah wateenm, taasi oo mareysay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley.
Todobada Ruux ee dhaawacantay oo uu ku jiray Darawalkii gaariga kaxeynayay ayaa marka laga reebo Nin gacanta ka jabay waxay intooda badan qabaan dhaawacyo fudud, sida uu ku waramay goob-jooge ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Florenza markii uu shilka dhacayay.
Booyaddaas ayaa markii ay ku dhacday Gaariga BL-ka ah waxay iska sii wadatay socodkeedii, waxaana dadkii dhaawacmay u soo gurmaday Dad deegaanka ah, kuwaasi oo gaarigii oo buus-buusmay ka saaray dadkii ku jiray.
Isgoyska Florenza oo ay sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa had iyo jeer waxaa isticmaala gaadiid kala duwan oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo nawaaxigiisa, waxaana inta badan isku sigta Gaadiidkaas ay Ciidamada Itoobiyaanka wataan oo xowli ku socda iyo Gaadiid kuwa Dadweynaha u badan oo wadadaas isticmaala, waxaana taasi ugu wacan iyadoo Ciidamada Isgoyskaas ku sugan aysan kala hageynin Gaadiidka Wadadaas isticmaala, gaar ahaan marka ay Ciidamada Itoobiyaanka marayaan.
Dhanka kalena, waxaa saaka isaga baxay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa, kuwaasi oo xalay ku hoyday meelaha ay ka baxeen, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn sababtii ay markii hore Wadadaas u yimaadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia