Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga oo maanta lagu gubay Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Arbaco, April 23, 2008(HOL): Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka W/Bari ayaa maanta waxaa lagu gubay Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga, iyadoo gubitaanka warqadahaasna ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray Ganacsatadihii keensatay Warqadahaas iyo weliba Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso.

Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa sidoo kale waxay  isku af-garteen in la fur-furo oo howl-gab laga dhigo Makiinadda lacagtaas lagu daabici jiray, si aysan mar kale u dhicin in lacag Shilin Soomaali ah la daabaco.

Waxaa kale oo ay labada dhinac isku af-garteen in Magaalada Boosaaso dabayaaqada todobaadkan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota laga dhoofiyo Lix Nin oo Ajnabi ah oo lacagtaas daabici jiray.

Go’aankan ay wada gaareen Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaas, kuwaasi oo beryahan uu faro ba’an ku hayo sicir barar ku yimid qiimaha Raashinka quutul-daruuriga ah iyo weliba sarifka lacagta Doollarka.

Ugu dambeyntiina, goobtii lagu gubay Warqadahan laga sameyn jiray Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee been abuurka ah ayaa waxaa goob-joog ku ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo weliba Dadweyne aad u faro badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia