Banaanbax looga soo horjeeday Culumaa’udiinkii Muqdisho lagu dilay oo Kismaayo ka dhacay

Cabirka Farta

Arbaco, April 23, 2008(HOL): Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Banaanbax looga soo horjeeday dilkii dhawaan Muqdisho loogu geystay Culumaa’udiin ka tirsanaa Dariiqada Tabliiqa, kuwaasi oo ku sugnaa Masjidka Al-Hidaaya ee ku yaala Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Culumaa’udiinka magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dadweyne aad u faro badan oo ka xumaa dilkii loo geystay Culumaa’udiinkaas.

Shiikh Axmed Shiikh Cali oo ka mid ahaa Culumaa’udiinkii banaanbaxa ka qeybgalay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin Culumaa’udiinkii lagu dilay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in  dilka Culumaa’udiinkaas uu u muujinayo sida ay ciidamada Itoobiyaanka u ugaarsanayaan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Shiikh Axmed Shiikh Cali waxaa uu intaas ku daray in ay dareemayaan dhibaatada loo geystay Culumaa’udiinka lagu dilay Magaalada Muqdisho, isla markaana ay cambaareynayaan Ciidamadii ka dambeysay dilkooda.

Dhanka kalena, Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu daadiyay warqado digniin ah oo ku socday Maleeshiyooyin Beeleedyada falalka Nabadgelyo-darro ka geystay magaaladaas, Shineemooyinka iyo weliba mas’uuliyiinta ka arimisa Magaaladaas, walow aan rasmi ahaan lagu qorin warqadahaas cidda soo qortay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia