Arbaco, April 23, 2008(HOL): Waxaa maanta la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo isagoo ka dhoofayay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadd ee Magaalada Muqdisho ay soo xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxmed Shidane oo qudhiisa Saxaafadda la hadlay kadib markii la sii daayay ayaa wuxuu sheegay in uu xirnaa muddo 115 cisho ah, isagoo ku eedeysnaa in uu ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali.
“Waxaan ku eedeysnaa in aan ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa Saaxibkey Maxamed Muxyaddiin Cali oo aan anigu Isbitaal geeyay dhiiggeygana aan u shubay, laakin markii baaritaan dheer lagu sameeyay kiiskaas waxaa caddaatay in aanan wax lug ah ku lahayn, waxaana la i yiri si qalad ah ayaad ku xirneyd ee iska cafi ninkaas”ayuu yiri Maxamed Shidane Dabaan oo sheegay in markii la soo deynayay ay xukunka sii deyntiisa riday Maxkamad Mileteri oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo ahaa Tifaftiriha Wargeys ku hadli jiray Codka Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana xubin ka ahaa maamulka Degmada Kaaraan, waxaa uu dhinaca kale sheegay in uu isaga baxay howshii uu u hayay Maamulka Gobolka Banaadir, haatan wixii ka dambeeyana uu yahay qof ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee aan dowladda ku jirin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wariye Maxamed Shidane Dabaan ayaa Seddex bilood ka hor markii ay soo xirayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu safar u sii ahaa Dalka Koofur Afrika, halkaasi oo la sheegay in uu ugu socday arrimo u gaar ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia