Maxay ka wada hadleen Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Ciidamada Marines-ka Maraykanka?

Cabirka Farta

Khamiis, 17 April 2008 (HOL): Kulan waqti kooban qaatay, ayaa la sheegay inuu dhex-maray saraakiil Maraykan ah iyo masuuliyiinta Berbera iyo Gobolka Saaxil, ka dib markii Salaasadii la soo dhaafay ay soo gaadheen magaalo-xeebeeda Berbera laba ka mid ah maraakiibta dagaalka Maraykanka. Sidaana waxa sheegay warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo-wareedyo kala duwan.

Sida uu qoray Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, laba diyaaraddaha helikobtarrada loo yaqaano ayaa ku degay garoonka diyaaraddaha Berbera, kuwaas oo sida la sheegay ay la socdeen saraakiil u muuqday inay ka tirsan yihiin ciidamada Maraykanka. Saraakiishan ayaa la sheegay inay cabaar indha-indheeyeen goobo lagu tilmaamay inay ka mid ahaayeen saldhigii uu Ruushku ku lahaan jiray Magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray in intaa ka dibna ay xubnahaasi kulan aanu waqtigiisu badnayn la yeesheen Maayarka Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil. Sida ay wararkani tibaaxeen, xubnahaasi kulankii ay la yeesheen masuuliyiinta gobolka ka dib, waxay hadana mar kale indha-indhayn kula noqdeen saldhigii millatariga ee Ruushku goobihii uu ahaan jiray iyo garoonka diyaaradahaba. Dabadeedna, waxa la sheegay inay dib ugu noqdeen maraakiibtii ay markii hore diyaaraddahaasi ka soo duuleen. Ma jiraan warar rasmiya oo ay arrintan ka soo saartay xukuumadda Somaliland iyo waxa ay saraakiishaasi kala hadleen masuuliyiinta gobolka toona, sidoo kalena weli kamay hadlin ciidamada Maraykanku. Ka sokow, kulanka ay saraakiishaa la sheegay la qaateen masuiuliyiinta Saaxil, waxa jira warar tibaaxaya in koox saddexaad oo ka socotay dhinaca xukuumadda dhexe ay iyana qayb ka ahaayeen kulankaas. Hase yeeshee, ma jiraan warar kala xadaynaya xaqiiqada arrintaas.

Inkasta oo aan la haynin xaqiiqada rasmiga ah ee la xidhiidha imaatinka maraakiibtaas, xubnaha saraakiisha la sheegay inay kulamada la yeesheen masuuliyiinta gobolka, ayaa hadana warbaahinta caalamka ee faafisay waxa ka mid ah, Shabakadda wararka Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo xalay lagu faafiyay in laba markab ay soo gaadheen magaalada Berbera ee Somaliland, oo taasina ay ka dambaysay markii xukuumaddu u ogolaatay inay ku martigelinayaan Ciidamada Maraykanka saldhig millatari oo ay halkaa ka samaystaan. “Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhawaynayo saldhiga millatari ee uu siinayo Maraykanka, taasoo qayb ka ah dedaalka la doonayo in loogu guulaysto aqoonsiga caalamiga ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalkii shabakadda Press TV, oo sheegtay inay soo xiganayaan weriyahooda u jooga Soomaaliya.

Tan iyo intii Wasaaradda Difaaca Maraykanku shaaca ka qaaday sida ay u danaynayaan saldhig ay ku yeeshaan Berbera, waxa soo baxayay warar aan marnaba kala xaqiijinayn halka ay xukuumadda Maraykanku ka taagan tahay arrintaas, balse xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu caddaysay sida ay diyaarka ugu tahay saldhig millatari oo uu Maraykanku ku yeesho dalka Somaliland.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland